Jamaal Maxamed Xassan oo noqday Xildhibaan (dhegayso)

Jamaal Maxamed Xassan oo noqday Xildhibaan (dhegayso)

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa ku dhawaaqday in Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ah wasiirka Qorsheynta Soomaaliya uu ku guuleystay Doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka, taasi oo maanta ka dhacday magaalada Garoowe.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa dorashada kula tartamay Mudane Maxamuud Cabdullaahi, waxaana ugu dambeyn Wasiir Jamaal uu helay codad gaaraya 49-cod, iyadoo musharax kale Maxamuud Cabdullaahi uusan helin wax cod ah marka laga tago laba cod oo ciladoobay, sida ay sheegtay Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo ah guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Warbixintan Axmed sheekeye ayaa Garoowe kaso diray

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com