HomeUncategorized

Jacob Zuma oo Waraaqaha Safiirnimo ka Gudoomay Safiirka Somalia ee Konfur Afrika

Somalia, November 28, 2015-(Daljir)_ Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jecob Zuma ayaa waraaqihiisa aqoonsi danjirnimo ka gudoomay danjiraha Somalia u fadhiya dalkaas, Jamal Maxamed Barrow.

Col: C/llaahi Maxamed Xassan (Farey) oo caawa salaadii maqrib kaddib lagu dilay Gaalkacyo.
Isimada Puntland oo Dalbaday in Qaxtootiga Yemen ka Imaanaya loo Gurmado
Philippe Lazzarini oo Muqdisho laga sagootiyay

Somalia, November 28, 2015-(Daljir)_ Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jecob Zuma ayaa waraaqihiisa aqoonsi danjirnimo ka gudoomay danjiraha Somalia u fadhiya dalkaas, Jamal Maxamed Barrow.

Zuma ayaa aqalka madaxtooyada dalkiisa kaga guddoomiyay safiirrada 15 waddan oo ay Somalia ku jiro warqadaha aqoosniga danjirenimo; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Canada, Malaysia, Panama, Zambia iyo Falastiin.

Danjire Baroow oo si weyn ugu dhex-muuqday safiirrada kale ayaa markii uu waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo u gudbinayay madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa xusay inuu salaan iyo dhambaal inuu uga sido madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna intaas ku daray safiirku inay Soomaaliya abaal lama illaawaan ah u gashay dalka Koonfur Afrika xilliyadii midab-takoorkii ka jiray Koonfur Afrika.

“Waxaan salaam iyo dhambaal kaaga wada madaxweyne Xasan Sheekh, waxaan Koonfur Afrika garab-taagnenyn xilliyadii xuriyad-doonka ay ku jirtay 1970-yadii illaa 1980-yadii, sidaad la socoto Somalia hadda way kasoo ka baxayasaa dhibaatadii gaartay; iyadoo garab ka hashay idowga Afrika, waxayna u baahan tahay in la garab-qabto, waxaan aad ugu faraxsan nahay in aan kuusoo gudbiyo aqoonsigayga safiirnimo,” ayuu yiri Danjire Jamal Barrow.

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa dhankiisa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay qaabilaadda safiirrada cusub; isagoo sheegay in dowladdiisa ay soo dhaweynayso danjirayaasha ayna la shaqeyn doonto.

 

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: