Col: C/llaahi Maxamed Xassan (Farey) oo caawa salaadii maqrib kaddib lagu dilay Gaalkacyo.

Gaalkacyo, july, 30 – Allaha u naraxiistee waxaa caawa salaadii maqrib kaddib magaalada Gaalkacyo lagu dilay marxuun Col: C/llaahi Xassan Faray oo ka mid ahaa indheer-garadka magaalada Gaalkacyo.

Wararka idaacadda Daljir ay ka helayso Gaalkacyo ayaa ku waramaya in marxuunka lagu dilay xaafada Israac,? xilli uu salaadii maqrib kusoo tukaday masjid aan sidaasi ufa fogayn gurigiisa, waxaana isla goobtaasi lagu dhaawacay mid ka mid ah caa’iladiisa oo la socday maruxuunka markii ay dhagar-qabayaashu dilka u gaysanayeen.

Dad goob-joogayaal ah ayaa ku waramaya sidii caadada Gaalkacyo u ahayd inay goobta isla xilligiiba ka baxsadeen dhagar-qabayaashii dilka u gaystay marxuun Col: C/llaahi faray, waxayna ku hubaysnaayeen bistoolado sida wararku tilmaamayaan.


Allaha u naxariistee C/llaahi Faray ayaa hadda ka mid ahaa masuuliyiinta xarunta nabadda iyo wacyigalinta Gaalkacyo oo ah xarun dhalinyarada lagu baro xirfadaha gacanta, waxaana sanadii lasoo dhaafay uu marxuunku madax u ahaa guddiga amniga ee golaha deegaanka degmada Gaalkacyo.

Dilkan ayaa ku soo aaday xili uu ka soo raynayay amniga magaalada Gaalkacyo baryihii ugu danbeeyay inkastoo dhawaan qarax lala eegtay Taliyaha ciidanka CID Mudug G/dhexe Warsame Yuusuf Axmed
?

Diiwaanka Wararka

C/risaaq Cali Silfar.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com