jacob zuma oo is Casilay (dhegayso)

HomeWararka

jacob zuma oo is Casilay (dhegayso)

Madaxweynaha dalka Koonfur Africa Jacob Zuma oo maalmahan danbe cadaadis dhanka Siyaasada ah heystay ayaa xalay khudbad Qaran uu ka jeediyay Telefishi

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Booqday Baraawe
Muqdisho: Tirada dadka uu soo ritey cudurka Coronavirus oo hoos u dhacday
Shir Looga Hadlayo Hormarka iyo Hormarinta Magaalooyinka Puntland ee Garowe Ka Furmay

Madaxweynaha dalka Koonfur Africa Jacob Zuma oo maalmahan danbe cadaadis dhanka Siyaasada ah heystay ayaa xalay khudbad Qaran uu ka jeediyay Telefishinka ku dhawaaqay inuu is casilay.

Madaxweyne Zuma waxaa heystay Cadaadis uga imaanayay xubnaha xisbigiisa ANC.

“ Waxaan halkaan u imid go’aan ah inaan is casilo waliba sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu Mr. Zuma ka sheegay magaalada Pretoria.

75-jirkan ayaa waxaa saarnaa caddaadis ballaaran oo ah inuu xilka ku wareejiyo Madaxweyne ku xigeenka Cyril Ramaphosa, kaas oo ah hogaamiyaha cusub ee xisbiga ANC-da.

Jacob Zuma ayaa xilka Madaxweynaha Koonfur Afrika soo hayay tan iyo 2009, waxa uuna wajahayaa eedo dhowr ah oo musuq maasuq.

Iscasilaaddiisa ayaa waxa uu Zuma ku soo beegay dhammaadka khudbad dheer oo uu ku sheegay inuu aad uga soo horjeedo qaabka xisbiga ANC isaga ula dhaqmay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: