Muqdisho: Tirada dadka uu soo ritey cudurka Coronavirus oo hoos u dhacday

HomeWararka

Muqdisho: Tirada dadka uu soo ritey cudurka Coronavirus oo hoos u dhacday

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku s

Madaxweyne Gaas oo Boosaaso Ku Wajahan Si uu Xariga Uga Jaro Mashaariic iyo Shaybaar Casri ah
Ciidanka Booliska Kenya oo qabtay mid ka mid ah kooxdii afduubatay Xafsa
Garbociise DDS: “Dhimashada ciidamada Liyuu Booliska Soomaalidu waxa ay kor u dhaaftay 133 dhaawacuna wuu tiro beelay”

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ka bogsoodeen 16 qofood oo cusub taas oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 204 .

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 21 xaalado cusub oo COVID19 ah, oo kala jooga gobalka Banaadir 19, iyo Puntiland 2, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,594.

Bukaannada cusub oo 14 kamid ah waa rag, 7-na waa haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay lama diiwaan gelin bukaan u geeriyooday COVID19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, waxay ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: