Jabuuti oo sheegtay in kenya lagu aamini karin kursiga golaha amaanka

HomeWararka

Jabuuti oo sheegtay in kenya lagu aamini karin kursiga golaha amaanka

Dowladda Jabuuti ayaa wali wadda dadaalka ay ugu jirto sidii ay ku hanan lahayd matalaadda Kursiga Afrika ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ka d

Ganacsade Hantidiisi ku wayeey daadadkii ku fatahay Qardho (Daawo)
MAANHADAL: Welwelka Waalidiinta ee buugaagta Cusub ee Manhajka waxbarashada Puntland
Wasiirka Maaliyadda DFS oo kormeeray goobo ciidamadda lagu diwaangaliyo

Dowladda Jabuuti ayaa wali wadda dadaalka ay ugu jirto sidii ay ku hanan lahayd matalaadda Kursiga Afrika ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib markii dhawaan loollan ay taageerada midowga Afrika ku raadineysay ay Kenya uga guuleysatay.

Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti ayaa sheegay in Kenya aan lagu aamini karin kursiga ay u tartamayso ee golaha ammaanka, maadaama sida uu yiri uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo Soomaaliya.

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta safiirrada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xiriirta musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi.

“Jabuuti waxa aay qiyaaseysa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu dhanka kale sheegay in haddii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Waxa aan qiyaaseyna oo kale inay Kenya dhibaatada khatar ah ku heyso Soomaaliya, xalaada u dhexeysa labaada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto”.

Si kastaba dowladaha Jabuuti iyo Kenya ayaa loolan adag waxaa ay ugu jireen helida kusri ka mid ah golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey,waxaana xusid mudan in Xubnaha Midowga Afrika ay Kenya u codeeyeen balse aan go’aanka rasmiga ah la soo saarin,dowladda Jabuutina ay sheegtay inay waqti gelin doonto helida kursigaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: