Saraakil Boolis oo shaqo joojin lagu sameyeey Baladweyne

Saraakil Boolis oo shaqo joojin lagu sameyeey Baladweyne

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee qeybta 27aad ayaa shaqo joojin ku sameysay Ku simihii taliyaha Ciidamada qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Cali Dhuux Cabdi Mahadalle & Taliyaha Saldhiga Booliska Baladweyne Gaashaanle Cabdi Cumar Siyaad.

Qoraal ka soo baxay Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa lagu sheegay in labadan sarkaal inay ishortaag ku sameeyeen eedeysanayaan boolis ah oo la doonayay in maxkamad la soo taago.

Taliyaha ciidamada Booliska Hirshabelle Cornel Xasan Dhicisow ayaa lagu amray inuu fuliyo amarkan ka soo baxay Maxkamada ciidamada qeybta 27aad ayna waajibaadka shaqo la wareegaan ku xigeenada labada sarkaal ee shaqo joojinta lagu sameeyay.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Maxkamada ciidamada qeybta 27aad

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com