Itoobiya oo xirtay 34 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab

HomeWararka

Itoobiya oo xirtay 34 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay 34 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay Ha

Xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (dhegayso)
Aabe 80 Jir ah oo u fariistay Imtixaanka fasalka 8-aad
Ra’iisul Wasaare khayre oo daah-furay dhismaha waddooyinka Jowhar iyo Afgooye

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay 34 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay Hay’Addu sheegtay inay qorsheeynayeen weeraro argagaxiso ka hor inta aan la soo xirin.

Warbaahinta Dowladda oo soo xignayesay bayaan ka soo baxay NIS ayaa lagu sheegay in Xubnaha katirsan Al-Shabaab ay u diyaar garoobeen inay weerarro argagaxiso ka geystaan ​​Magaalada Addis Ababa iyo meelo kala duwan oo dalka ah.

Howlgalka lagu soo qab qabtay dadkan ayaa waxaa iska kaashaday Ciidamada deegaanada Soomaalida ee liyuu Boolis iyo Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Itoobiya ay sheegtay in ay doonayeen inay raggaan ka faa’iidaystaan munaasabadaha ciidaha si ay u fuliyaan qorshayaal ay ku beegsanayaan xarumaha magaalooyinka oo ay ku jirto Addis Ababa, ee gobollada Oromada iyo Soomaalida.

10 ka mid ah dadka la xiray ayaa laga soo qabtay Galbeedka Arsi, Bariga Arsi, Galbeedka Bale, Bariga Bale, Bariga Shoa, Galbeedka iyo Bariga Hararge ee dawlad deegaanka Oromada, halka 24ka kale laga soo xiray xiray Afdheer, Doolo, Goday, Jijiga iyo Shebeelle oo ka tirsan gobolka Soomaalida. , sida lagu sheegay warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda.

Sida laga soo xigtay bayaanno kala duwan oo soo baxay, waxaa jiray isku dayo soo noqnoqday oo Al-Shabaab ay ku doonaysay inay weeraro qorsheysan ka fuliyaan Itoobiya balse aysan suurto gelin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: