Itoobiya oo laga helay kiisas cusub oo Coronavirus ah

HomeWararka

Itoobiya oo laga helay kiisas cusub oo Coronavirus ah

Wasiirka Wasaradda Caafimaadka dowladda Itoobiya Dr Liya Taadhase ayaa shaacisay in 24-kii saac ee la soo dhaafay Cudurka Coronavirus laga baaray 2424

Warka Duhurnimo ee Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
War-Murtiyeedka laga soo saaray Shir Waynaha Shaqa abuurka Dhalinyarada Puntland
Guddoomiyaha Aqalka sare oo Garoowe lagu soo dhaweyeey

Wasiirka Wasaradda Caafimaadka dowladda Itoobiya Dr Liya Taadhase ayaa shaacisay in 24-kii saac ee la soo dhaafay Cudurka Coronavirus laga baaray 2424 qof,kuwaas oo 11 kamid ah laga helay xanuunka.

Dadka Cudurka laga helay ayay Wasaaradu sheegtay inay dhamaantood u dhasheen wadanka Itoobiya,isla markaana da’dooda ay u dhaxeys 19 ilaa 47 jir dhamaantoodna la geeyay Xarunmo karantiil.

Wasaaradu waxaa ay sidoo kale sheegtay in 11-kaasi ruux ee Cudurka COVID-19 laga helay ay kala joogaan, xarunta karantiilka ee cafarta, xarunta karantiila Tigray, xarunta karantiilka Jaamacada jigjiga, iyo deegaanka axmaarada.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka Itoobiya in dadka Maanta laga helay Cudurka ay ka yimaadeen dhamaantooda dalka Dibadiisa,waxaana Cudurka ka bogsatay 106 qof, tirada guud ayaa waxay gaartay 261 qof.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0