Itoobiya oo kahortimid AMISOM inay dalka ka baxdo

HomeWararka

Itoobiya oo kahortimid AMISOM inay dalka ka baxdo

Dowladda Itoobiya ayaa soo jeedisay in ciidamada AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya aanay ka bixin dalka xiligaan, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda

Hanti-Dhowrka Guud ee Somaaliya oo sheegay inay lacag ka maqantahay Khasnada DFS (Akhriso)
Xasan Kilwe: “Cidkasta oo deegaanka u soogasha xaaluf waa kula dagaallannaa
Dibad baxyo ka dhan ah Iran oo ka socda Tehran

Dowladda Itoobiya ayaa soo jeedisay in ciidamada AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya aanay ka bixin dalka xiligaan, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya.

“Mowqifka Itoobiya ee arrinta AMISOM ka bixitaankooda waa inay sii joogaan Soomaaliya ilaa iyo inta ay awoodooda ay aad uga daciifayso ururka Al-shabaab” ayuu yiri Males Alem oo wariyeyaasha kula hadlay Addis ababa.

AMISOM ayaa la keenay Soomaaliya sanadkii 2007dii, waxaana ay dagaal kula jiraan ururka Al-shabaab iyagoo taageero siinaya dowladda Soomaaliya.

Shirka Brusless ee bilaha soo socdo la qorshaynayo inuu furmo ayaa dowladaha bixiya dhaqaalaha ku baxa howgalka AMISOM ee Soomaaliya waxaa ay uga wada tashanayaan sidii ammaanka dalka loogu wareejin lahaa ciidamada Soomaaliya mustaqbalka dhow.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: