Islan Bashiir iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray degmadda Garacad (sawiro)

HomeWararka

Islan Bashiir iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray degmadda Garacad (sawiro)

Degmada Garacad ee gobolka Mudug waxaa gaaray wafdi isimo ah kuwaasoo uu hogaaminayey Islaan Bashiir Islaan Cabdule Islaan Faarax kana kooban 5 isin o

Mid Kamid ah Barlamaankii 9aad ee Soomaaliya oo Geeriyoodey.
MARTISOOR Q2aad & Siidow Macallin Siidow: Xaalka Beesha Jareer Weyne & xarigga Janaraal Sheegow
Dagaal kadhacay xeradii Imaaraatka uu ka guuray ee Muqdisho (dhegayso)

Degmada Garacad ee gobolka Mudug waxaa gaaray wafdi isimo ah kuwaasoo uu hogaaminayey Islaan Bashiir Islaan Cabdule Islaan Faarax kana kooban 5 isin oo kamid ah isimada Puntland.

Qado Sharaf loogu samayey degmada ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay Gudoomiyaha degmada Axmed Yuusuf Shirwac isagoo kusoo dhaweyey degmada isimada iyo waxgaradka kale ee ku weheliya socdaalkoodan.

Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo ka hadlay goobtaasi ayaa dhankiisa shacab uga mahad celiyey soo dhawaynta wanaagsan ee loogu samayey degmada.

Ugu danbayn Islaan Bashiir Islaan Faarax oo ka hadlay gabagabadii munaasibadaasi qado sharafta ah ayaa u mahad celiyey bulshada Garacad qaabka wanaagsan ee ay u soo dhaweeyen wafdiga Isimada iyo waxgarad kale ee la socda waxaana sidoo kale uu si gaar ah ugu mahad celiyey dadkii martiqaadka fidiyey.

maalmo kahor ayaa waxaa degmadda jariiban la gaarsiyeey qalabkii dhismaha Dekadda Garacad, waxaana la filayaa in dhawaan dhismaha iyo shaqadda dekadda Garacad ay bilaabato.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: