HomeUncategorized

Isbitaalada Puntland oo Dawooyin loo Qaybiyay

Khamiis, Feberaayo 04 2016 (Daljir) —Wasaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa maanta warbaahinta usoo bandhigay daawooyin kala duwan oo lixdan qaybood ka kooban looguna talo galay Isbitaalada iyo xarumaha caafimaad ee gobaladda Puntland.

DHEGEYSO-Musharax Cali Maxamed Geeddi oo kahadlay musuq maasuqa kajira dalka.
DFS oo dib u fasaxday duulimaadyadi caalamiga ahaa
Jaaliyadda Minnesota oo u baroordiiqdey Marxuum Warsame Abdi Shirwac. [Akhris …]
Khamiis, Feberaayo 04 2016 (Daljir) —Wasaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa maanta warbaahinta usoo bandhigay daawooyin kala duwan oo lixdan qaybood ka kooban looguna talo galay Isbitaalada iyo xarumaha caafimaad ee gobaladda Puntland.
 
Munaasibadda daawooyinkan lagu wareejinayay xarumaha caafimaadka ee gobalada waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka caafimaadka, agaasimaha guud ee wasaradda iyo masuuliyiin ka socday Isbitaalada.\
 
Agaasimaha guud ee wasarada Caafimaadk Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay daawooyinkan oo noocyo badan isagu jira in loogu talo galay Isbitaalada waa weyn iyo goobaha kale ee caafimaad, wuxuna tilmaamay inay isagu jiraan kuwa inta badan loogu baahi badan yahay, Dr.Xirsi ayaa sheegay daawooyinkan in la gaarsiin doono labaatan xarumood oo muhiim ah.
 
Wasiirka caafimaadka Dr.Cabdinaasir Cismaan Ciise (Cuuke) ayaa sheegay daawadan inay soo gaarsiisay dowladda Federaalka gaar ahaan wasaradda Caafimaadka isagoona sheegay inay ka timi dowladda Sucuudiga wuxuuna ka mid celiyay sida qaybtii Puntland loosoo gaarsiiyay.
 
Dr.Cuuke ayaa kula dardaarmay xarumaha caafimaad ee daawooyinkan la gaarsiinayo inay xafidaan oo ay dhowraan maadama wasaradda aysan mar kasta awood u heli karin in daawooyin sidaan oo kale ah Isbitaalada loo qaybiyo.
 
Degmooyin ka tirsan Gobaladda Mudug,Nugaal, Karkaar,Bari, Haylaan, Sanaag, Gardufuu, Sool iyo Cayn ayaa daawooyinkan la gaarsiinayaa maalmaha soo socda.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: