Jaaliyadda Minnesota oo u baroordiiqdey Marxuum Warsame Abdi Shirwac. [Akhris …]

Minneapolis, Aug 16 – Shir muhiim ah ayaa waxa uu maanta oo taariikhdu tahay 08/15/2009 ka dhacay magaalada Minneapolis, MN xarunta Zuhrah Shrine Center & Harrington Mansion.

Shirkaas ayaa u jeedadiisu ahaa sidii Loo Xasuusan lahaa looguna Duceyn lahaa Rabbi ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Maamulka Puntland Marxuum Warsame Abdi Shirwac.

Shirka waxaa ka soo qeyb galey aqoonyahannada, siyaasiyiinta, Culumaa?udiinka, waxgaradka, saraakiisha, Xildhibaano iyo haweenka qurbajoogta Soomaaliyeed oo dhan. Ka-soo-qaybgalayaasha shirku iyaga oo ka xun, kana tiiraanyeysan dilkii loo geystey rabbi ha u naxariistee Marxuum Warsame Abdi Shirwac oo ka mid ahaa geesiyaasha Soomaaliyeed ee markasta dooni jirey in Puntland iyo Soomaaliya oo dhanba nabad lagu wada-noolaado laga helo.

Guest Speakers:
Sheekh A/qani Qardhaawi
Xildhibaan Mohamed Geddi Aw-hilowle (DFKM)
Gen.Saciid Dheere (DFKM)
Gen. Mohamed Abdi Qaac
Col. Abuukar
Fmr Ch. Stff.Daahir Mire
Mshrx. A/qani Shancad
Sheekh Ali. Jeris
Chrmn. Mohamed Jibril
Aqoonyahan Burhaan Hashi
Host: A/Malik Askar

Shirka waxaa aad iyo aad looga hadley taariikhdii dheereyd ee Marxuum Warsame Abdi Shirwac,Waxaa kaloo Alle looga baryey in uu janaddii fardowsa geeyo.Aamin.

Shirka waxaa laga soo jeediyey Talooyin waxaana ka mid ahaa

In maamulka Puntland sharciga horekeenaan ciddii ka dambeeysay dilka Wasiirkii Warfaafinta, Warsame Cabdi Shirwac sida ugu dhaqsiyaha badan.

Waxaan kaloo maamulka iyo shacabka reer Puntland ku boorinaynaa inay ka dhabeeyaan sidii maamul iyo kala dambayn loogu samayn lahaa gobolka Mudug.
Waxaan kula talineynaa Dowladda iyo shacabka reer puntland in ficilkaan foosha xun uu san noqon mid looga deysado.

http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com