Isbahaysiga Carbeed ee Mareykanka oo cambaareeyey go’aankii Trump ee Jerusalam

HomeWararka

Isbahaysiga Carbeed ee Mareykanka oo cambaareeyey go’aankii Trump ee Jerusalam

Dowladaha Carabta ee Isbahaysiga la ah dowladda Mareykanka ayaa cambaareeyey go'aankii madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump uu ku aqoonsaday magaalada

Axmed Cali daahir ”Waxaa xiran Oday 40 jir ah oo kufsaday Gabar 5 Sano jir ah”
Xulashada Daljir Xaawo Axmed iyo Daljir Garoowe (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Dowladaha Carabta ee Isbahaysiga la ah dowladda Mareykanka ayaa cambaareeyey go’aankii madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump uu ku aqoonsaday magaalada Jerusalaam inay tahay caasimadda Isra’il.

Hogaamiyeyaasha carabta oo shir degdeg ah isugu yimid ayaa ku sheegay go’ aanka Donald Trump inay tahay mid khatar ku keeni karta Bariga Dhexe inay noqoto mid qalalqalaase iyo fowdo hor leh gasha.

Wasiirada arimaha dibadda ee laba iyo labaartanka dal ee Jaamacadda Carabta oo ay ku jiraan dowladaha Sacuudi Carabiya, Imaaraatka Carabta iyo Jordan ayaa lagu sheegay Mareykanka inuu ka baxay kaalintii dhexdhexaadnimo iyo dadaaladii nabadeed ee Bariga Dhexe uu ka waday.

Isra’il ayaa rumaysan inay caasimadeedu tahay magaalada Jerusalam oo ay qabsatay dagaalkii Carabta iyo Isra’il ee 1967dii, halka Falastiiniyiintu ay u arkaan magaalada inay tahay caasimadooda Mustaqbalka.

Go’aankii Trump uu qaatay ayaa qayb ka ah fulinta balanqaadkii uu sameeyey xiligii ololaha doorashada ee Mareykanka, balse waxaa uu wajahayaa dhaleeceen caalami oo kaga imaanaysa dunida Islaamka oo ay ku jiraan dowladaha jaalka la ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: