Axmed Cali daahir ”Waxaa xiran Oday 40 jir ah oo kufsaday Gabar 5 Sano jir ah”

Axmed Cali daahir ”Waxaa xiran Oday 40 jir ah oo kufsaday Gabar 5 Sano jir ah”

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir oo ka hadlayay kiisaska la xiriira kufsiga ayaa sheegay in uu xiran yahay Nin 40 jir ah oo ku eedeysan in uu kufsaday Gabar 5 Sano jir ah,islamarkaana Gabadhaas uu gaarsiiyey dhibaato xoogan.

Waxa uu sheegay inay jiraan caqabado intaasi la eg iyo kuwo ka weyn,sidoo kalena Ehelada Dadkii Gabadha dhalay ay leeyihiin waan ka heshiinay ee Odayga hala soo daayo taas oo uu sheegay inay tahay caqabad.

“Nin afartan jir waaye Xooggiisa waa uu i kala jabin karaa aniga haddii uu damco inuu i kufsado, gabar yar oo Shan jir ah ayuu kufsaday waa uu xiran yahay hadda Xabsiga ayuu ku jiraa, ilmihii yaraa wuu isku furay waana Shan jir, halkaan waxaa ku jira Hooyadii & Aabihii & ehelkii oo leh waan heshiinay ee hala iska dhaafo”.

Hadalkaan ayaa Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir waxa uu Maanta ka sheegay Shirweynaha Qaran ee Haweenka Soomaaliyeed kaas oo ka socda Magalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com