IS-QABADKA MADAXWAYNAHA (XILLIGIIS DHAMMADDAY) IYO MADAXA XIL-GAARSIINTA, W/Q: Prof Salwe

IS-QABADKA MADAXWAYNAHA (XILLIGIIS DHAMMADDAY) IYO MADAXA XIL-GAARSIINTA, W/Q: Prof Salwe

Qodobada Dastuurka uu Farmaajo cuskaday:
Qodobka 87aad: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
(1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa:
a) Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya;
b) Astaanta midnimada qaranka;
c) Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka.
(2) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka wuxuu xilkiisa u gudanayaa si waafaqsan Dastuurkan iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .
————————————
Qodobada Rooble siinaya awoodda inuu sii hayo xilka:
1. Qodobka 103aad: Xukuumadda Xil-Gaarsiinta
Inta u-dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirrada waxay sii haynayaan xilka, waxayna awood u leeyihiin inay fulinayaan waajibaadka ee dawlada si xilgaarsiinta.
2. Xeerkii baarlamaanka 28kii Abriil 2021 kaas oo awood u siinaya ra’iisul wasaaraha inuu hogaamiyo doorashada 2021
3. Heshiiskii Guddiga Wadatashiga Qaranka ee 25-kii May 2021 ee Muqdisho, kaas oo ku yimid heshiis siyaasadeed oo Ra’iisul Wasaaruhu garwadeen ka yahay.
4. Qodobka 91aad:
a) Qodobkaan wuxuu qeexayaa in muddada madaxweynaha oo ahayd 4 sano. Madaxtooyadu wax awood ah uma lahaa,
b) Dalku waxa uu ku jiraa xilli doorasho, madaxwaynuhu ma joojin karo doorashada la qabanayo
5. Dhibta Guud:
a. Maqnaashaha Maxkamadda Dastuuriga ee dalka oo marjac u noqon lahayd is-qabadka madaxda u kala gar-qaadkooda .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com