IMAANSHAHA WASIIR JANAN EE BELEDXAAWO & DOOLOW (daawo)

HomeWararka

IMAANSHAHA WASIIR JANAN EE BELEDXAAWO & DOOLOW (daawo)

Maanta degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, waxaa lagu soo dhaweeyey wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur 'Janan', kadib

Kulan looga hadlayeey xuquuqda haweenka oo Baydhabo lagu qabtay
Dad ku dhintay roob dufaan wata oo ka da’ay Magaaladda Jigjiga (sawirro)
Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Kuluc: “Dadkani inay isdoortaan ayay mudo sugayeen rubuc qarniga ah”

Maanta degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, waxaa lagu soo dhaweeyey wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur ‘Janan’, kadib markii is afgarad heshiis laga gaaray murankii siyaasadeed ee maqnaantiisa, is afgaradkaasi oo dhexmaray isaga iyo dawladda federaalka ee Soomaaliya.

Wasiir Janan, soodhaweyntiisa imaansho ee Beledxaawo oo ahayd mid si weyn loo abaabulay, waxaa ka qaybgalay madax ka socotay dawladda federaalka, iskuguna jiray wasiirro, xildhibaanno baarlamaan iyo saraakiil sarsare ciidamada ah. Sidoo kalena soodhaweyntaasi waxaa ka qaybgalay madaxda gobolka ah, kuwo heer degmo ah iyo qaybo badan oo bulshada rayidka ah ka mid ah.

Wasiir Janan, soodhaweyn iyo is marxabayn dhexmartay isaga iyo madaxdii soodhaweysay, iyo qaybo bulshada ah kadib, waxaa loo soogalbiyey gudaha Beledxaawo isagoo barxadda magaalada salaan iyo bogaadin kula qaybsaday dadweynaha, kana hadlay dareenkiisa maanta, waxaana dhinac taagnaa taliye kuxigeenka nabadsugidda Soomaaliya Kulane, wasiir kuxigeenka warfaafinta Soomaaliya Alcaddaala iyo guddoomiyaha goholka Gedo Canjeex.

Waxyar kadib waftigaasi waxay u soo gudbeen dhinaca degmada Doolow oo isla gobolka Gedo ah, kuna taalla xudduudda gobolku la wadaago dawladda deegaanka Soomaalida, halka degmada ay ka soo ambabaxeen ee Beledxaawo ay iyaduna dhacdo dhanka  xudduuddii gumaystaha ee Soomaaliya iyo Kenya.

Soodhaweyn iyana ballaaran ayaa ka dhacday bannaanka koonfureed ee degmada Doolow, halkaasi oo looga hortagay waftiga is huwan ee federaalka iyo wasiir Janan, taasoo masuuliyiin dawli ah iyo qaybo badan oo bulshada ah ay ka qaybgaleen.

Cabdirashiid Janan ayaa muddo sannad ka badan ku sugnaa deegaanno kala dambeeyey oo ku yaalla isgalaha xudduudda Soomaaliya iyo Kenya, halkaasi oo uu tagay kadib markii gobolka Gedo ay ka curteen ismaandhaafyo siyaasadeed oo guud ahaan taabanayey Jubbaland, kalana dhaxeeyey dawladda federaalka, khilaafyadaasi oo abuuray isku dhacyo hubaysan oo dhimasho iyo dhaawacba keenay, aakhirkiinna looga saaray gobolka Cabdirashiid Janan iyo maamulkii uu wasiirka amniga u ahaa ee Jubbaland, waxaana muddadaas sannadka ka badnayd gobolka gacanta ku haysay dawladda federaalka amni ahaan iyo maamul ahaanba.

Inkasta oo ay muuqato imaanshaha iyo soo xaroonta wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, lana maamuusay soodhaweyntiisa, haddana weli warbaahinta looma  caddayn nooca heshiisku daarranyahay ama dulucda uu xammaarsanyahay, maadaama uusan jirin qoraalka heshiis oo la helay iyo hadal jeedin madaxeed oo muujinaysa waxa laga heshiiyey hadda, tallaabada xigi doonta iyo dhinacyadu waxay ku kala baddesheen ka tanaasulka heerarkii la kala taagnaa.

Xal-u-halka khilaafka wasiir Janan iyo soo xaroontiisa oo ku xiriirsanayd khilaafka guud ee ka dhextaagan dawladda federaalka iyo Jubbaland, waxay u muuqataa qodax ku taagnayd dawladda federaalka oo la bixiyey, balse weli lama dhihi karo waa xiisad dhammaatay marka loo fiiriyo heer dawladda federaalka ah iyo Jubbaland.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

 

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0