Dad ku dhintay roob dufaan wata oo ka da’ay Magaaladda Jigjiga (sawirro)

Dad ku dhintay roob dufaan wata oo ka da’ay Magaaladda Jigjiga (sawirro)

Magaaladda Jigjiga ee Caasimadda DDS Waxaa maanta ka da’ay caasimada deegaanka ee jigjiga roob dufaan iyo baraf wata islamarkaana kala xidhay dhamaan isku socodkii gaadiidka iyo dadka magaalada jigjiga, wadooyikii magaalada ayaa isu badalay wabiyo biyo butaacayaan.

Roobka ayaa inta la ogyahay sababay dhimasho hal qof ah iyo laba qof oo dhaawac ah, inkasta oo la filayo in uu dhaawacu intaasi ka badan yahay. Waxaa kale oo jira dadka soo barakacay guryahoodii kaddib markii xaafada daadku soo galay, gaar ahaan xaafadaha ka agdhaw goobta uu maro togga Jigjiga.

Dhanka xukuumada DDS, masuuliyiin uu ugu horeeyo Madaxwayne ku xigeenka deegaanka mudane Aadan Faarax, maamulka magaalada jigjiga iyo hay’adaha amaanka ayaa gurmad u bilaabay dadka ay dhibaatadu kasoo gaadhay roobkan sida lama filaanka ah galinkii danbe ee maanta uga da’ay magaalada jigjiga

Ugu dambayntii burburka hantiyeed ee ay gaysteen daadashani ayaan la ogaanin heerka uu gaadhsiisan yahay waxaana socda gurmad kala duwan oo lagu baadi goobayo baaxada

khasaaraha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com