Ilhan Cumar oo kasoo horjeesatay safarka Biden ee Sucuudiga

Ilhan Cumar oo kasoo horjeesatay safarka Biden ee Sucuudiga

Ilhan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa si wayn uga soo horjeedsatay safarka uu madaxweyne Joe Biden ku tagay dalka Sacuudiga.

Gabadhan oo Congress-ka ku matasha gobolka Minnesota ayaa sheegtay in booqashada Biden ee Sacuudiga “ay dirayso farriin khaldan”, sida uu shaaciyay wargayska The Independent.

Go’aanka uu madaxweynaha Mareykanka ku tagay Sacuudiga ayay shegetay inuu yahay mid ka hor imaanaya hadal uu horay u jeediyay oo ahaa in uu Sacuudiga ka dhigi doono “dal go’doonsan” kaddib dilkii loo gaystay wariye Jamaal Khaashuqji.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in uu Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan u sheegay inuu si shakhsi ahaan ah ugu haysto mas’uuliyadda dilkii wariye Jamaal Khaashuqji.

Mr Biden ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii uu Amiirka kulan wadahadal ah kula yeeshay magaalada Jeddah.

Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa mar walba beeniya eedeymahaas.

Khaashuqji oo ahaa wariye fadhigiisu yahay Mareykanka oo kasoo jeeday Sacuudiga ayaa sanadkii 2018-kii lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com