Howlgalo laga sameeyay Afgooye iyo guddoomiye kuxigeenkii degmada oo geeriyooday

HomeWararka

Howlgalo laga sameeyay Afgooye iyo guddoomiye kuxigeenkii degmada oo geeriyooday

Ciidamada ammaanka Soomaalioya ayaa Xalay howl-gal Dad badan lagu soo qab-qabtay ka sameeyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose. Howl-ga

GAROOWE PUNTLAND | Oo si weyn looga Ciiday
Taliye Odawaa oo u hanbayeeyay Ciidanka Xoogga dalka
Warka Caweysin Iyo Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Ciidamada ammaanka Soomaalioya ayaa Xalay howl-gal Dad badan lagu soo qab-qabtay ka sameeyeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose.

Howl-galkan ayaa yimid markii Bam lagu tuuray Guriga uu Afgooye ka deggenaa Gudoomiye ku xigeenkii arrimaha Bulshada ee Gobolka Shabeellaha hoose, Cumar Maxamud Cilmi “Cumar Carrabeey” oo u geeriyooday dhaawac kasoo garaay weerarkaas.

Ciidamada ayaa howl-galkoodu waxaa uu ahaa mid qorsheysan, waxanay soo qabteen Dad ku dhow 50 Qof oo Dhallinyaro u badan, kuwaas oo la geeyey Saldhigga Booliska Afgooye.

Dhallinyarada Ciidanka soo qabteen ayaa looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Maleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo uu ku socda baritaan arrimahaasi ku saabsan.

Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Degmada Afgooye ayaa sheegay in Dadka ay qabteen qaarkood ay ku tuhmayaan in ay xiriir la leeyihiin kooxda Argagaxisada Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: