Weriye lagu dilay dalka Philippine

Weriye  lagu dilay dalka Philippine

koox hubeysan oo aan la garanayn ayaa Suxufi ka howl gala idaacad madax bannaan ku dilay bartamaha wadanka Philippine.

Weriyaha la dilay oo 67 sano jir ah ayaa lagu magacaabi jiray Dindo Generoso, iyadoo xiliga la dilayey uu ku sii jeeday magaalada Dumaguete ee ku taala jaziiradda Negros.

koox hubeysan oo wadatay gaari ayaa rasaas la dhacay weriyaha, kadibna goobta ayey ka baxsadeen, sidaa waxaa u sheegay warbaahinta mid ka mid ah dadka deegaanka magaalada Dumaguete

Waa suxufigii labaad ee 18 bilood gudahood lagu dilo magaalada Dumaguete ee dalka Philippine.

Bishii May ee sanadkii 2018, weriye lagu magacaabayey Edmund Sestoso ayaa koox hubeysan oo wadatay mooto dhug-dhugley ku dilay Philippine.

Dalka Philippine ayaa ka mid ah wadamada lagu dhibaateeyo suxufiyiinta.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com