Howlgallo ka billaawday degaano katirsan Galmudug

HomeWararka

Howlgallo ka billaawday degaano katirsan Galmudug

Ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed Qaybta 21aad Guutada 13Aad ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Hobyo ee Go

Wacaal Darey ah: Afar qof oo ku dhintay shil dhiyaaradeed, dalka Kazakhstan
C/raxmaan C/shakuur oo aqbalay raalli gelintii Kheyre.
Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo dagaalkoodii saakay ka qarxay Tukaraq

Ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed Qaybta 21aad Guutada 13Aad ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
.
Howlgalkaan ayaa waxaa hogaaminaay taliye xigeenka ururka 43aad guutada 13aad labo xidigle Cabdi Daahir Xersi waxaana ay gaareen deegaanada Qalaalqal, Gaan Cadaad, Qurac joomo oo hoostaga Xiinlebi.

” Geesiyaasha qaranka ayaa ku raadjooga Al-Shabaab oo ku dhuumaalaysanaya deegaano kooban oo ka tirsan gobolka mudug waxaana howlgalkaan uu noqon doonaa mid sii socdo illaa laga gaaro deegaanada ay gacanta ku Hayman ayuu yiri” Sarkaal katirsan Ciidanka xoogga dalka.

Howlgallada laga sameeyo degaannada Galmudug ayaa aad u yar marka la eego Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana weli Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin degaano badan.
A Data Science Degree Might Just Be What You NeedData Science Masters Program | Search ads|
Sponsored

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: