Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo dagaalkoodii saakay ka qarxay Tukaraq

Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo dagaalkoodii saakay ka qarxay Tukaraq

Dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kalle duwan ayaa saakay ka qarxay duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay horay ugu dagaalameen ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Wararka aanu ka helayno Tukaraq ayaa sheegaya dagaalkan inuu yahay mid ka culus kuwii hore uga dhacay deegaanka ee dhexmaray dhinacyadan, iyadoo maalmahanba ay labada dhinac ay wadeen diyaar garoow dagaal.

Somaliland ayaa horaantii sanadkaan kusoo duushay Tukaraq oo ka qabsatay ciidamo tiro yar oo katirsanaa Puntland, oo joogay Tukaraq xiligaasi oo ciidamada Puntland ay badankooda ku mashaquulsanaayeen sugidda ammaanka wafdigii madaxwaynaha Soomaaliya ee booqanayay magaalooyinka waawayn ee Puntland.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa kahor xiligii doorashada balan ku qaaday inuu soo xirayo waxa uu ugu yeeray xuduud uu Ingiriiska sameeyey, inkastoo culimada iyo bulshada Somaliland dagaalkan ay ka horyimaadeen.

Wixii kasoo kordha dagaalka kala soco Raadiyow Daljir.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com