Howlgal Dad badan lagu qab qabtay oo laga sameeyay Magaalada Baydhabo

Howlgal Dad badan lagu qab qabtay oo laga sameeyay Magaalada Baydhabo

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay Howgal ka sameeyeen xaafadaha iyo waddooyinka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ciidanka ayaa howlgalka ku baarayey dadka iyo gawaarida isticmaala wadooyinka Waaweyn iyo Xaafadaha Magaalada Baydhabo, kadib falal Amni darro oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Saraakiisha Ciidanka Nabadsugida Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Howgalka uu ahaa mid lagu sugayey guud ahaan amniga Magaalada Baydhabo, halkaas oo mararka qaar ay ka dhacaan falal amni darro, Isla markaana la qabqabtay dad laga shakiyay wallow badi dadkaasi la sii daayay.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed waxaa ay howlgallo joogta ah ka wadeen guud ahaan degaannada Koonfur galbeed soomaaliya .

Teliyaha Nabadsugida Koonfur Galbeed ee degmada Baydhabo oo howlgalka hoggaaminayey ayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ah bulshada degmada ugu baagay inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si looga hortago falalka Amni darro oo ay geeysanayaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com