HomeUncategorized

Howgal amni sugid ah Oo socon doona muddo Toddobaad ah oo ka bilowday degmada Caabudwaaq

Cabudwaaq, July 21- 2013 - Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud waxaa ka bilowday howgalo amni sugid ah oo socon doono muddo Toddobaad ah, kuwaasi oo lagu xaqiijinayo nabad-gelyada guud.

DHAGEYSO: Maamulka Gobalka Mudug oo ka hadlay Dilkii loo geystay G Haweenka Mudug
DHEGEYSO-Gudiga gurmadka abaaraha gobolka Mudug oo warbixin dhiibey.
Baahin: Salaasa, 30 July 2013 -Caawa Iyo Daljir Weriye Xaliimo Sacdiya Cabdilaahi Cali~ Daljir ~ Garowe

Cabudwaaq, July 21- 2013 – Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud waxaa ka bilowday howgalo amni sugid ah oo socon doono muddo Toddobaad ah, kuwaasi oo lagu xaqiijinayo nabad-gelyada guud ee degmada iyo deeganada hoos yimaada.

Khaliif Cabdisamad madaxa arimaha bulshada Caabudwaaq oo la hadlay war-baahinta qaar, wuxuu sheegay in howgalka uu yahay mid amni, wuxuu kaloo ka war-bixiyey xaaladaha haatan ka jira magaalada iyo deeganada ku xeeran.

Wuxuu sheegay in aysan amni daro jirin balse ay haatan diyaar u yihiin in laga hortago hadii ay jiraan qorshayaal ka dhan ah amniga, iyo in laga warhayo amniga guud ee magaalada Caabudwaaq oo uu ka jiro maamulka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Howgalka amni sugida ah ayaa socon doona mudo Toddobaad xiriir ah sida uu sheegay madaxa arimaha bulshada, wuxuu intaas ku daray in si gaar ah loola socon doono waxa soo gala iyo waxa ka baxa magaalada Caabudwaaq, maadama dadku ku mashquulsan yihiin gudashada bisha Rammadaan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: