HomeUncategorized

Hoteel Casri ah oo laga furay Magaalada Muqdisho (DAAWO SAWIRRO)

Muqdisho, Feb 10- Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga furay hotel casri ah, iyadoo furitaankii hoteelkan ay ka qaybgaleen xubno ka socday dowaldda oo ay ka mid ahayd wasiir ku xigeenka wasaaradda khayraadka dalka, Siciido Xasan Cismaan, ganacsato, culummo, waxgarad iyo dadweyne kale.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Ciyaaraha Daljir ee sports news iyo Zucdi Cawiif.
?Tartanka ciyaaraha gobollada Puntland oo bilaaban doonaan 1-da December.
Baaritaano caafimaad oo bilaash ah oo Garowe laga fulayay, iyo bulshada oo tilaabadaasi u riyaaqday.

Muqdisho, Feb 10- Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga furay hotel casri ah, iyadoo furitaankii hoteelkan ay ka qaybgaleen xubno ka socday dowaldda oo ay ka mid ahayd wasiir ku xigeenka wasaaradda khayraadka dalka, Siciido Xasan Cismaan, ganacsato, culummo, waxgarad iyo dadweyne kale.


Hoteelkan oo lagu magacaabo Ramada ayaa waxaa laga furay kasoo horjeedka dhismaha wasaaradda arrimaha dibaadda ee Soomaaliya oo u dhexeysa isgoysyada Banaadir iyo Zope.


?Waan soo dhaweynaynaa hoteelka, waana mid ka duwan hoteellada ku yaalla Muqdisho,? ayay yiraahdeen qaar ka mid ah xubnihii ka hadlay furitaanka oo sheegay in hoteelkan ay u dhameystiran yihiin adeegyada loo bahan yahay oo dhan.


Ramada Hotel ayaa waxaa furtay ganacsato Soomaaliyeed, waxaana qaar ka mid ah ganacsatada furtay oo ka hadlay furitaankiisa ay sheegeen inuu leeyahay dhammaan adeegyada loo baahan yahay sida xawaalad, xafiisyada laga goosto tigidhada iyo masjid lagu tukan karo salaadda Jimcaha.


?Hoteelka wuxuu leeyahay meel lagu diyaariyo cunnooyinka diyaaradaha; waxaana jooga kariyeyaal khibrad durugsan u leh sida loo diyaarinayo cunnooyinka diyaaradaha, muddo dheerna kasoo shaqaynayay shirkadda diyaaradaha ee Emirate Airline,? ayay yiraahdeen ganacsatada furtay hoteelkan casriga ah.


Sidoo kale, hoteelku wuxuu leeyahay baar laga cunteeyo oo casir ah iyo baar shaaha iyo kafeega laga cabo iyo barxad weyn oo ay dadku fariistaan iyo sidoo kale barxad weyn oo baabuurta la dhigan karo.


Tan iyo markii magaalada Muqdisho ay isaga baxday Al-shabaab waxaa laga furayay hoteelo iyo dukaamo ganacsi oo waaweyn, iyadoo hoteelkan uu noqnayo mid ka mida hoteelada ugu caalamisan hoteelada ku yaal caasimadda, wax badana ka qayb qaadan doona hormarka magaalada iyo bilcdeeda.


Diiwaanka Wararka daljir
Muqdisho
(S)


Daawo Sawirada.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: