Horjooge ka tirsanaa khawaariijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga

HomeWararka

Horjooge ka tirsanaa khawaariijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga

Tirada khawaariinta isu soo dhiibaysa Ciidanka xoogga iyo laammaha kala duwan ee dowladda Soomaliya ayaa sare u kacay maalmihii u dambeeyey kuwaas oo

Madaxweynaha Jabuuti oo la sheegay in uu dhexdhexaadin wado
Muqdisho: Ciidamadii Badbaado Qaran oo isaga baxay magaalada
Kahortagga khataraha ku xeeran ardeyda xilliyada iskoolada (Taxanaha 7aad | dhegayso)

Tirada khawaariinta isu soo dhiibaysa Ciidanka xoogga iyo laammaha kala duwan ee dowladda Soomaliya ayaa sare u kacay maalmihii u dambeeyey kuwaas oo sheegay in ay u adkaysan waayeen tacadiyadda ka dhex jira guddaga kooxa khawaariinta.

Dhuurre Yuusuf Garow oo magaciisa Afgarashadu yahay(Hilal) ayaa saaka isku soo dhiibay taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 60aad oo xaruntoodu tahay gobolka Baay.

Dhuurre ayaa khawaariijta u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan jabhada,isagoo sheegay in uu u adkaysan waayay ka been sheegista kooxda khawaariijtu kula kacayso diinta Islaamka.

Isa soo dhiibahan ayaa baaq u direy Saaxibadiisa kale ee ku jira Khawariijta in ay isaga Soo baxaan kana faa’iidaystaan cafiska dowladda u fidisay xubnaha ka kasoo laabanaya fikradaha gurracan ee xagjirka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: