HomeUncategorized

Hor-joogaha koox burcad-badeed ah oo dagaal uu dhex maray ciidanka PL oo waraysi siiyay daljir.

Gaalkacyo, 15, Dec- kooxda burcad badeedaa ee haysata markabka ICERBER ayaa ka warbixisay dagaal mar kale shalay galab ku dhex maray inta u dhaxaysa deegaanada Garacad iyo Ilfooxshe oo hoos taga gobolka Mudug.

Soomaaliya oo ka hadashay shacab ciidanka Itoobiya ku laayeen G.Baay.
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Maanta safar shaqo ugu amba baxay dalka Itoobiya
Dowladda Somaliya oo loogu Baaqay in ay Siidayso Wariyayaal u xiran

Gaalkacyo, 15, Dec-? kooxda burcad badeedaa ee haysata markabka ICERBER ayaa ka warbixisay dagaal mar kale shalay galab ku dhex maray inta u dhaxaysa deegaanada Garacad iyo Ilfooxshe oo hoos taga gobolka Mudug.


Hor-joogaha kooxdaasi markabka gacanta ku haysa ayaa daljir u sheegay in dagaalkii shalay uu dhankooda iyo dawladdaba ka soo gaaray khasaare.


Ninkan u hadlay burcad-badeeda oo waraysiga siiyay daljir isagoo saaran markabka dushiisa ayaa sheegay inaysan haba yaraatee ka dagi doonin markabka, oo ay ku dul dagaalami doonaan, wuxuuna dhanka kale tilmaamay khasaaraha ka dhasha dagaal kasta oo dhaca inay masuuliyaddeeda qaadayso Puntland.


Xiriirro kala duwan oo aynu la samaynay saraakiisha ciidanka Puntland ee hawlgalkaas qaybta ka ah ayaa noo suurta gali wayday inaynu helno, halka ay ka gaabsadeen ka hadliddeeda arimahan gudoomiyaha degmada jariiban iyo gudoomiyaha gobolka Mudug.

Diiwaanka Wararka daljir

Gaalkacyo

(S)

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: