Maamulihii Shirkadda Amal qaybteeda Gaalkacyo oo galabta ku geeriyooday Gaalkacyo.

Gaalkacyo, 15- Dec. – Allaha u naxariistee waxaa galabta magaalada Gaalkacyo ku geeriyooday Cali Faarax Nuur oo ahaa maamulaha Shirkadda Amal qaybteeda Gaalkacyo.


Geerida Marxuumka daljir waxaa u xaqiijiyay eheladiisa oo Gaalkacyo jooga, Marxuumka ayaa dhawrkii beri ee la soo dhaafay la il-darnaa xanuunka dhiig-karka oo ku soo kacay, maalmahan xaaladdiisa caafimaad si weyn looga dayrinayay.


Marxuum Cali Faarax ayaa lagu xasuusan doonaa waxtarka dadka aan waxba haysan iyo naafadda, waxaana dhawaan uu billaabay barnaamij dib loogu dhisayo masjidka Ramadaan ee xaafadda Garsoor.


Taariikh nololeedkiisa dib ayaynu ka soo gudbin doonnaa.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com