HomeUncategorized

Hogaamiyayaal ka tirsan Al-shabaab oo lacag la Dul-dhigay

Somalia, November 11, 2015-(Daljir)_ Xukuumadda Washington ayaa malaayiin doollar dul-dhigtay lix ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-shabaab, iyadoo abaal-marintan la siin doono cid kasta oo keenta warbixinnada ku saabsan hoggaamiyeyaashan la baadi-goobayo.

Codbixinta oo bilaabatay & 10 musharax oo u taagan xilka Madaxweyne kuxigeenka
DHAGAYSO:Barnaamijkii Maan-hadal oo looga Hadli doono Shirkii Kismaayo Ee Fashilmay
Baahin: Khamiis 3 Oct -2013, Caawa Iyo Daljir, Weriye Khadar Cawl Ismaaciil ~ Daljir ~ Buuhoodle

Somalia, November 11, 2015-(Daljir)_ Xukuumadda Washington ayaa malaayiin doollar dul-dhigtay lix ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-shabaab, iyadoo abaal-marintan la siin doono cid kasta oo keenta warbixinnada ku saabsan hoggaamiyeyaashan la baadi-goobayo.

Waaxda abaal-marinta dalka Mareykanka ayaa 6-milyan oo doollar dul-dhigtay xubno uu ka mid yahay, hoggaamiyaha Al-shabaab, Sheekh Axmed Diiriye [Sh. Abuu Cubeyda], kaasoo bishii September ee sannadkii hore 2014-kii loo doortay inuu hoggaamiyo kooxda, kaddib markii la dilay hoggaamiyihii ka horreeyay ee lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Godane.

Sidoo kale, waxaa min shan milyan oo doollar la dul-dhigay saddex xubnood oo kala ah; Mahad Karatey, Macallin Daa’uud iyo Xasan Afgooye oo ka tirsan Al-shabaab, gaa rahaan hoggaanka qayba kala duwan ee kooxda.

Xubnahan sadexda ah ayaa lagu eedeeyay ka qayb-qaadashada shirqoollo dil, weerarro ka dhan ah dowladda federaalka Somalia, askareynta dhalinyarada iyo beegsiga danaha reer galbeedka.

Waxaa sidoo kale min 3-milyan oo doollar la dul-dhigay; Macallin Salmaan iyo Axmed Iimaam Cali, iyadoo Mareykanku uu ku eedeeyay Macalin Salmaan inuu madax u yahay dagaalyahanada Al-shabaab ee ka soo jeeda dalalka Afrika.

Dhanka kale, Axmed Iimaam Cali ayaa isagana waxaa lagu eedeeyay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay askareynta dhalinyarada Keenyaanka ah, isla markaana uu lacago u soo uruuriyo Al-shabaab.

Ugu dambeyn, dowladda Mareykanka ayaa sannadkii 2008-dii Al-shabaab u aqoonsaday urur argagixiso, waxaana la fariisiyay dhaqaalaha madaxda, iyadoo horay lacago malaayiin doollar ah dul-dhigay hoggaamiyeyaal dhawr ah oo uu ku jiray hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Godane, kaasoo lagu dilay weerar bishii September 2014-kii ka geystay meel ku dhow Baraawe.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: