Hey’adda IMF oo shaacisay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib u eegista 5-aad ee barnaamijka Deyn Cafinta.

HomeWararka

Hey’adda IMF oo shaacisay in Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib u eegista 5-aad ee barnaamijka Deyn Cafinta.

Hey'adda lacagta adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinta qiimaynta dib u eegista 5-aad ee Barnaamijka ECF ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda i

Saraakil Boolis oo shaqo joojin lagu sameyeey Baladweyne
Abaaro saamayn ku yeeshay dad iyo duunyaba oo laga soo sheegayo gobalka Sanaag (Daawo)
Muqdisho: Xildhibaan Cabdulaahi Abuukar Xaaji oo ka haddlay xiritaanka Kal-fadhiga Barlamaanka

Hey’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixinta qiimaynta dib u eegista 5-aad ee Barnaamijka ECF ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo deyn cafinta Soomaaliya.

Hey’adda IMF ayaa warbixintaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in iyadoo ay jiraan caqabado amni, dhaqaale iyo cunno-yari – haddana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horumar wayn ka samaysay sharuudaha barnaamijka deyn cafinta ee loo soo gaabiyo ECF oo hadda dowladdu ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad.

IMF ayaa warbixinteeda qiimeynta ku sheegtay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay yareeyso isticmaalka kharashaadka laga maarmi karo, iyadoo xoogga saaraysa arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreyso xoojinta sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka maamulka canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim ah sare u qaadidda dakhliga dalka.

Sidoo kale IMF ayaa bogaadisay Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay xeerar muhiim ah horumarka Maaliyadda Soomaaliya iyo hufnaanta dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta IMF ay ka soo saartay qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee ku saabsan shuruudaha Barnaamijka ECF ee deyn cafinta Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: