Heshiishka ganacsiga ee Maraykanka iyo Koonfur Kuuriya oo hirgelaya.

Seoul, Mar 15 -Heshiishka mudada dheer dib loo dhigay ee ganacsiga xorta ah ee dalalka Maraykanka iyo Koonfur Kuuriya ayaa hirgelay, iyadoo cabashooyin lagu diidanyahay laga dhigay magaalada Seoul ee xarunta dalka Koonfur Kuuriya.

Heshiishkan oo la saxiixay shan sano ka hor ayaa noqnaya kii ugu weynaa uu Maraykanku galo muddo 16 sano ah .

Madaxweyanaha Maraykanka Barack Obama ayaa khadka telephone-ka kula hadlay dhigiisa Koonfur Kuuriya si loo bilaabo dhaqangelinta heshiishkan.

Dad fara badan oo u dhashay wadanka Koonfur Kuuriya ayaa ka shakisan cidda ka faa?iididoonta heshiishkaasi.

Heshiishkan ganacsiga xorta ah ayaa la saxiixay sanadkii 2007dii, waxana meelmariyey Congress-ka Maraykanka iyo baarlamanka dalka Koonfur Kuuriya.

Heshiishkan ayaa meesha ka saaraya 80% lacagaha la saaro badeecooyinka dibadda lagala soo dego,waxana ganacsiga heshiishkan 95% uu dhacayaa shanta sano ee soo socota.

Madaxweynaha Koonfur Kuuriya Mr Lee ayaa 10 daqiiqo oo ay khadka telephone-ka ku wada hadlayeen madaxweyne Obama ku sheegay in heshiishkan uu muhiim u yahay ganacsiga xorta ah ee caalamka, iyadoo dhinaciisana madaxweyne Obama uu ku aammaanay dalka Koonfur Kuuriya iskaashiga uu la samaynayo Maraykanka.

Saraakisiha Koonfur Kuuriya ayaa rumaysan in 300,000 oo shaqo ah uu dalkaasi ka bauurayo heshiishkan 10-ka sano ee soo socda.

Abdirashid Musse
Daljir, Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com