Hay’adaha Amniga & Maamulka Gobolka Banaadir oo Amarro kasoo saaray Amniga Muqdisho

HomeWararka

Hay’adaha Amniga & Maamulka Gobolka Banaadir oo Amarro kasoo saaray Amniga Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska & Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah maamulada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa shir kayeeshay amni darrada kaj

Faysal Cali Waraabe: “Golaha guurtidu waa fidno socota,kana yeeli mayno waxay waddan”
Dekedda Muqdisho oo la bilaabay inay habeenkii ay shaqayso (dhegayso)
Wasiir dirir: “Jiritaanka Puntland waxay ku jirta in Madaxweyne deni lasoo celiyo”

Taliska Ciidanka Booliska & Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo qaar kamid ah maamulada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa shir kayeeshay amni darrada kajirta magalada muqdisho iyo sidii looga hortagi lahaa.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta degmada warta-nabada ayaa waxaa looga hadlay mideynta amniga waxaana ka qeybgalay guddoomiyaasha iyo Taliyeyaasha booliiska iyo Nabad sugida ee degmooyinka dhaca bartamaha oo ilaa 5 degmo ah.

Guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabseey ayaa kawar bixisay waxyaabihii looga hadlay kulanka wadajirka ah oo ay yeesheen talisyada booliiska nabad sugida iyo gudomiyaasha degmooyinka bartamaha waxana ay sheegtay in Shacabka looga digay in guryaha aysan ka kireeyaan dad aysan aqoon taas oo qatar ku ah amniga Muqdisho.

Kulankaan ay yeesheen gudoomiyaasha degmooyinka dhaca bartamaha taliyaasha booliiska iyo nabad sugida Gobolka Banaadir ayaa imaanaya iyadoo mar qaar ay degmooyinkaas kadhacaan falal lid ku ah amniga .

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: