HomeUncategorized

Hay’ada IMO oo ka digtey xaaladda nololeed ee Soomaaliya iyo dalal kale.

New York, Mar 02 2017-Malaayiin qof oo ku nool dalalka Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Waqooyi Bari Nageria iyo Yemen ayaa la sheegay in ay cunno yari baahsan ku haystaan dalalkooda.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Xasan Haykal.
DHEGEYSO-Isu soobax roob-doon ah oo maanta kadhacay iyo mas’uuliyiin kahadlay.
(Dhagayso) Firxadkii Alshabaab oo soo gaaray Miyiga Dagmada Towfiiq ee Gobolka Mudug

New York, Mar 02 2017-Malaayiin qof oo ku nool dalalka Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Waqooyi Bari Nageria iyo Yemen ayaa la sheegay in ay cunno yari baahsan ku haystaan dalalkooda.

Xaaladda adag ee Soomaaliya ayaa inta badan la sheegay in ay ka timid Abaaraha dalka jira iyo Colaadaha, Afhayeenka Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IMO Joy Milman ayaa sheegay in ilaa 100-kun oo qof ay gobolkaasi macluul khatar ugu jiraan.

“Haddii aysan helin gar gaar ku filin dadkaasi ayaa waxaa laga yaabaa in macluusha ay ku faafto wadanka, halka dadka cuna yaraanta haysana laga yaabo iney gaaraan ilaa shan milyan iyo shan boqol kun oo qof bisha juulaay, xilligaas oo ah goorta ay abaarta ugu xun tahay, iyadoo tirada ay cunna yaraanta haysataana ay ku dhow yihiin shan milyan oo qof”

Hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IMO ayaa sheegtay in xaaladda Bani’aadamnimo ee Soomaaliya ay ka sii dareyso iyadoo dadka ay degaanadooda ka soo barakacayaan kuwaas oo raadinaya cunto.

Magaalada Muqdisho ayaa dhowaan lagu qabtay shir caalami ah uu shir Guddoominayey Madaxweynaha J.F  Soomaaliya Maxamed C/laahi Max’ad (Farmaajo) kaas oo looga hadlayey Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa ka soo qeyb galaya masuuliyiinta Dowlad-goboleedyada iyo Hay’adaha Gar gaarka iyo deeq bixiyaal badan.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: