HomeUncategorized

Hay?ada FAO oo Soomaalida ugu baaqday in ay kalluunka cunaan si looga hortago macaluusha gobolka

New York, October 21, 2013 - Qaramada midoobey ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed in ay ka faa?iidaysaan khayraadka dalkooda si aysan u dhicin macaluul, war-bixin dhowaan la soo saaray ayaa lagu sheegay in ay muhiim.

DHEGEYSO-Gudoomiyaha gobolka Nugaal oo ka warbixiyey ciidankii xarunta barlamaanka qabsaday una jawaabey Faarax C Shire.
Madaxda Federalka iyo Puntland oo kulamo xasaasi ah ku leh Garowe
DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Khadar Cawl.

New York, October 21, 2013 – Qaramada midoobey ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed in ay ka faa?iidaysaan khayraadka dalkooda si aysan u dhicin macaluul, war-bixin dhowaan la soo saaray ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in laga faa?iidaysto kalluunka.

Hay?ada cunada iyo beeraha qaramada midoobey ee FAO ayaa sheegtay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay kalluunka cunnaan, taas oo sahli karta in laga hortago macaluusha laga cabsi qabo in ay ka qaraxdo gobolka xiliyada abaaraha.

FAO waxay xustay in xeebaha Soomaaliya ay yihiin kuwa ugu dheer qaarada Afrika, hay?ada ayaa intaas ku dartay in loo baahan yahay in si isku mid ah dadka loogu wacyi geliyo isticmaalka Kalluunka dalka, oo ka mid ah cunooyinka ugu fiican.

War-bixinta FAO ayaa lagu yiri ?Muhiimada ugu weyn ee arrintan laga leeyahay waa sidii loogu dhiiri-gelin lahaa dadka inay khayraadka badda ula soo bixi lahaayeen, gaar ahana dadka ku jira xeryaha barakacayaasha.?

Dowladda Soomaaliya ayey hay?adu sheegtay in ay la bilaabayso mashruuc lagu horumarinayo kalluumaysiga xirfadlayda Soomaalida, iyo dadka lagu jiheeyo isticmaalka khayraadka dalkooda gaar ahaan Kalluunka badda.

FOA ugu dambayntii waxay sheegtay in ay tababaro kala duwan siin doonto dadka Soomaaliyeed ee kalluumaysatada ah, waxay intaas ku dartay in ay bixinayso noocyo kala duwan oo qalab ah oo la gaarsiin doonto dadka la baray sida loo jilaabto iyo habka loo iib-geeyo suuqa.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: