Bulshada Garoowe oo banaan-bax roob doon ah dhigay iyo culimada oo ku baaqay is cafis (Sawirro)

Garoowe, October 21, 2013 – Magaalada Garoowe ee xaruunta Puntland waxaa maanta ka dhacay banaan bax balaaran oo roob doon ah, kaas oo ay ka qayb galeen masuuliyiin ka tirsan maamulka, Culimo Owdiin iyo boqolaal shacabka magaalada ka tirsan.

Goobta banaan baxa roob doonta ah laga dhiga waxaa qudbado kala duwan ka jeediyey culimada waa way nee Puntland oo uu ku jiray sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf, culimada ayaa Alle ka baryey in uu raxmadiisa dayrta ku soo hooriyo gobolka iyo deeganada kala duwan ee Puntland.

Sheikh Maxamuud Xaaji yuusuf ayaa dadka ugu baaqay in ay Alle u toobbad keenaan oo ay is cafiyaan si loo helo dembi dhaaf iyo raxmada Eebe, waxayna intaa ku dareen roob la?aanta in ay sabab u tahay dembi Alle laga galay oo ka soo noqosho u baahan.

Wasiir ku xigeenka wasaarada cadaaladda Puntland Cabdulqaadir Yuusuf Daahir oo goobta ka hadlay ayaa bulshada ugu baaqay in ay is cafiyaan oo ay ka shaqeeyaan nabadgelyada guud, isla markaasna isku xirnaano muujiyaan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com