HomeUncategorized

Hawlo nadiifin iyo dib u hagaajin ah oo ka socota dhulkii ballaarnaa ee uu ka gubtay suuqii waynaa ee magaalada Bossaso.

Caption ...

Al-shabaab oo sheegatay Qaraxii lagu Dilay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga
Dhagayso Saadiq Eenow: Waa hormar wayn guddiga Doorashadu, Balse meeday Maxkamadii Dastuurigu ?
(Dhagayso) Wasaaradda maaliyada Puntland oo baarlamaanka Punltnad maantay horgaysay miisaaniyada 2013-ka.

Bosaaso, Dec 4 – Hawlo ballaaran oo lagu madiifinayo dhulkii baaxadda weynaa ee uu ka gubtay suuqii magaalada Bossaso ayaa saakay si rasmi ah u bilawday taasoo ay ku hawllan yahay maamulka dawladda hoose ee degmada Bossaso iyo hay?ado kale oo ka tirsan dawladda dhexe ayna ka mid yihiin ciidamada badda Puntland.

Hawlgalkaan oo ah mid aad u xooggan ayaa looga golleeyahay sidii dib loogu muujin lahaa bilicdii magaalo kaddib markii uu habeen hore bas-beelay suuqaasi oo ahaa midkii uu yaallay dhaqaalaha ugu badan ee deegannada Puntland, waxaana saaka la arkayey baal-doosarro, cagaf-cagafyo xaaqaya haraadigii iyo haskii gubasho ee ka dhashay dabkaasi, waxaana qashinkaasi daabulayey iska-roogooyin aad u badan.

Taliyaha ciidanka badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo maanta u warramay Radio Daljir ayaa sheegay hawlahaan in ay wadi doonaan illaa iyo inta si rasmi loo dhammaynayo xambuskii ka haray gubashadii suuqaasi Bossaso.

Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: