Hargeysa: Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Wakiilka QM ee Soomaaliya

HomeWararka

Hargeysa: Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee Arrimaha Soomaliya Ambassador Jame

Duqa Gaalkacyo oo Gurigiisa ku baxnaaninaya Hoyooyin jidka kusoo Umulay
Caawa & Daljir iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo oo Lagu Casuumay Shirweynaha Xisbiga Madaxweyne Erdogan ee AK

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee Arrimaha Soomaliya Ambassador James Swan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaaray Hargeysa.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin nidaamka wada-shaqaynta Somaliland iyo qaramada midoobay, qorsheyaasha iyo barnaamijyada hay’adaha qaramada Midoobay salka u noqon doona.

Somaliland iyo qaramada midoobay waxa ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkii iyo kulamadii ay uga wada xaajoonayeen arrimaha wada-shaqaynta hay’adaha qaramada midoobay iyo Somaliland, sidoo kale, waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo taageerada qaramada midoobay ka gaysan karto ayaa lagu yiri” War-Saxaafadeed kasoo baxay Soomaaliland.

ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay waxa uu ku bogaadiyey xukuumadda, Xisbiyada, Komishanka doorashooyinka iyo shacabka Somaliland sida ay diyaarka ugu yihiin, uguna midaysan yihiin qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka.

Ugu dambayn, waxa kulankaas diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo horumarka mandaqadda geeska Afrika iyo kaalinta ay kaga jirto Somaliland.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay waxa wehelinayey madaxda hay’adaha qaramada midoobay ee WFP, UN Women, UNHCR iyo masuuliyiin kale oo katirsan xafiisyada qaramada midoobay ee Somaliland.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: