Harar oo ka muddaharaaday masaajidada lagu gubay kililka Amxaarada & Jigjiga oo abaabul ka socdo

Harar oo ka muddaharaaday masaajidada lagu gubay kililka Amxaarada & Jigjiga oo abaabul ka socdo

Shacabka kililka HARAR ee dalka Itoobiya ayaa maanta isusoobax ballaadhan dhigay kaas oo lagaga soo horjeedo masaajidada lagu gubay kililka Axmaarada. Banaanbaxa ayaa ka socda magaalooyin badan oo dalka Itoobiya, kana midyihiin magaalada Qabridahar.

Jigjiga ayaa ayana caawa waxaa ka socda abaabul xoog leh oo lagu qorsheynayo mudaharaad lamid ah ama ka weyn kan Harar. Jigjiga ayeysan suurtoobin in isusoobax lamid ah kan Harar iyo Qabridahare la qabto, kaddib markii ciidamada koofiyad casta ee Liyuu Booliska shalay lagu daadshay dhamman jidadka muhiimka ee Jigjiga, shacabkana lagu wargaliyey in aysan dhigi karin wax isusoobax ah oo looga soo horjeedo gubitaanka masaajidada kilalka Amxaarada.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com