Halkuu ku dambeeyay  khilaafka u dhexeeyay Farmaajo Iyo Rooble?

HomeWararka

Halkuu ku dambeeyay khilaafka u dhexeeyay Farmaajo Iyo Rooble?

Waxaa weli socda dadaalada lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo i

Sawirro: Madaxweyne Deni oo Garoowe kusoo dhaweyeey Madaxweynaha Galmudug
DHAHAR: WAA SIDEE NOLOSHA REER MIYIGA SOO NAQRAACAY? (daawo)
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa goordhaweyd ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Waxaa weli socda dadaalada lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dadaalada waan waanta ee laga dhex wado Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xalay waji cusub galay, iyadoo dadaaladaas ay hoggaaminayaan Madaxweyne Qoorqoor iyo Guddoomiye Mursal.

Madaxweyne Qoorqoor oo ay wehliyaan Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Carab iyo Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Al Cadaala oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo qodobada waan waanta ee ay isla soo gaareen ula tageen, sidoo kalena kulankaas uu hordhac u yahay in la isku keeno Farmaajo iyo Rooble.

Ilo ku dhow dadka waanwaanta wada ayaa sheegay in meel wanaagsan wax marayaan, kulamadoodiina ay horumar ka sameeyeen oo ay soo gaarsiiyeen heer labada dhinac isku soo dhowaadeen.

Kulamadii shalay dhacay ayaa laga helay warar sheegaya in shuruudo ay jiraan sida doodda dhaheysa in Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur loo wareejiyo Arrimaha Gudaha, waana dood xoog leh oo dhanka Farmaajo ka socoto iyo in Bashiir Goobe la geeyo meel kale oo aan aheyn Taliska NISA oo uu Farmaajo keensado qof uu u soo magacaabo.

Sidoo kale Guriga uu Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ka degan yahay Madaxtooyada ayaa waxaa ku kulmay Taliyeyaal ka tirsan ciidanka, sida Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Booliska Gobolka Banaadir iyo Kusimaha NISA ee uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo iyo saraakiil kale.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa daba dheeraaday , iyada oo Beesha Caalamka ay cadaadis ku saareyso in dhinacyada heshiis gaaraan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: