Hal Malyan oo Codbixiyayaal ah oo maanta u dareeraya doorashada Somaliland

HomeWararka

Hal Malyan oo Codbixiyayaal ah oo maanta u dareeraya doorashada Somaliland

Inkabadan Hal Malyan oo ruux oo ku nool Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codeynta si usoo doortaan golayaasha Wakiilad

SHIRKADDA ISGAARSIINTA AMTEL OO SOO KORDHISEY ADEEGYO CUSUB
Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Bossaso (dhegayso)
PUNTLAND: Guddiga Doorshada oo shaaciyay liiska Musharaxiinta u matalaya Golaha deegaanka ee Degmooyinka ay Doorshadau ka dhacayso

Inkabadan Hal Malyan oo ruux oo ku nool Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codeynta si usoo doortaan golayaasha Wakiiladda iyo Guurtida maamulka oo aan la qaban 15 kii sano ee la soo dhaafay.

Doorashada ayaa ka dhacaysa lixda gobol ee Somaliland kuwaas oo kala ah Awdal, Saaxil, Maroodi-Jeex, Toghdeer, Sanaag iyo Sool.

Codbixiyaasha waxa ay dooran doonaan 82 xildhibaan iyo 249 golaha guurtida ah.Waxaana doorashada codkooda dhiiban doona dadka ka badan hal malyan halka goobaha codbixinta ay gaarayaan 2,709.

Qarashka ku baxaya doorashada oo gaareysa 25 malyan oo dollar ayaa boqolkiiba 80 waxaa bixinaya Maamulka Somaliland, halka Midowga Yurub iyo Taiwan ay bixin doonaan 20 boqolkiiba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in dhammaan agabkii doorashada la geeyay goobaha codbixinta.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale kale dadweynaha ka codsaday in si nabad leh ay u codeeyaan, wuxuuna dhanka kale sheegay in loo baahan yahay in si maskax ay ku jirto ay tahay in loo xalliyo haddii ay soo baxaan wax khilaaf ah oo ku aaddan natiijooyiinka ka soo bixi doona doorashada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0