Habraaca doorashada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi oo lasoo saaray

HomeWararka

Habraaca doorashada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi oo lasoo saaray

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa soo saaray hab raaca doorasha

Warkii Xulashada Daljir iyo Axmed Sheekeeye Garoowe (dhegayso)
Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo howlgallo ku soo qabtay Rag ku eedaysan falal kala duwan.
Warka Fiidnimo iyo Zubayr Shiikh Cabdi, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa soo saaray hab raaca doorashada kuraasta Aqalka Sare.

Labada Hoggaamiye oo ah kuwa ugu sareeya doorashada gobolada Waqooyi ayaa sheegay in ay soo saari doonaan liiska Musharaxiinta Aqalka Sare dhawaan ayna ku wareejin doonaan guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed.

Habraaca ayaa laga saaray dowrkii Rooble, kadib markii Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay ku hesheeyiin in ay iyagu toos ugu gudbiyaan Guddiga Doorashooyinka, sida lagu xusay Habraacii ay saacad ka hor soo saareen.

Horey habraacii kasoo baxay RW Rooble & Madaxda Dawlad gobaleedyada ayaa farayey in ay Liiska xubnaha musharaxiinta u soo gudbiyaan RW Rooble, Cabdi Xashi & Mahdi Guuleed, taas oo maanta ay ka kaaftoomeen Ra’iisul Wasaare Kuxigeen Mahdi iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: