Ha’ayda Duulista Rayidka oo Sharci Yeelatay

Ha’ayda Duulista Rayidka oo Sharci Yeelatay

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAMA) ayaa waxa ay yeelaneysaa Sharciga duulista rayidka,kadib markii ay shalay si rasmi ah u ansixiyeen xidhibaanada dawlada federalka Soomaaliya.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macalin ayaa sheegay in Soomaaliya ay yeelaneysa sharci ay wax walba u dhameysiran yihiin oo ku saabsan duulista Rayidka, hayeeshee mid kooban oo ay soo saareen kacaankii dalka jiray ee uu hogaaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, islamarkaana ay dowladii ku dhacday iyadoo aan la ansixin.

Sharciga duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo heshiiska damaanad qaadka maalgashiga darafyada badan ayaa waxaa shalay si wadajir ah u anisixyay xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com