HomeUncategorized

Gudoomiyihii degmada Burtinle oo si rasmi ah xilkii looga xayuubiyay

Burtinle, Feb 25- Ka dib markii shalay degmada Burtinle uu soo gaaray wafdi uu hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha Puntland Gen. C/laahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) ayaa maanta si rasmi ah waxaa loo shaaciyay in xilkii degmada laga qaaday gudoomiyihii golaha deegaanka ahaana gudoomiyihii degmada Faarax Maxamuud Jaamac (Salwe).

FAAHFAAHIN: Akhri Qodobadii ay ku heshiiyeen Puntland iyo Soomaaliya
Baahin: Arbaca, Jan 04, Axmed Jookar ~ Daljir ~ Bossaso. Feer & faralaab kadib, Madoobe Nuunow oo loo doortay afhayeenka baarlamaanka federaalka; Bandhig ganacsi oo lagu soo bandhigay sanaaca wadani ah – gaari lagu sameeyey Galkacyo & marawaxad dab ka dhilinaysa hawada; Warbixin ku saabsan shirka Khaatumo II ee ka socda degmada Taleex, Sool; Lacag faalsa ah oo lagu qabtay Galkacyo & maamulka oo uga digay shacabka.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Khadar Cawl.

Burtinle, Feb 25- Ka dib markii shalay degmada Burtinle uu soo gaaray wafdi uu hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha Puntland Gen. C/laahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) ayaa maanta si rasmi ah waxaa loo shaaciyay in xilkii degmada laga qaaday gudoomiyihii golaha deegaanka ahaana gudoomiyihii degmada Faarax Maxamuud Jaamac (Salwe).


Arinta ugu weyn ee gudoomiyihii degmada xilka looga qaaday ayaa ahayd ka dib cabashooyin dhawr jeer maamulka deegaanka iyo golaha ay u gudbiyeen xukuumadda dhexe ee Puntland.


Wafdiga yimid degmada ee uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha Jeneraal Ilka-jiir ayaa golaha deegaanka ugu baaqay inay iska soo dhex doortaan masuulkii xilkaas u qaban lahaa oo ay ku kalsoonyihiin.


Xaafid Cabdirisaaq Axmad oo kamida golaha deegaanka ayaa radio daljir u xaqiijiyay dhab ahaanshaha xil ka qaadista gudoomiye Salwe, sidoo kale xiriir qudhiisa aynu la samaynay waa uu ka gaabsaday inuu arimahaasi ka hadlo.


Diiwaanka Wararka daljir
Burtinle, Warqabad
(S)

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: