Dhegayso: Deegaano hoostaga Boocame oo ay marin ka dhigteen firxadka Al-shabaab.

Boocame, Feb, 25, Gudoomiyaha Degmada Boocame ee gobolka Sool ?Axmed Xasan Shirre ? Xayle’ oo maanta ( Isniin 5-Feb-2013)) la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in xubno katirsan maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ay marin ka dhigteen deegaano hoostaga dhulka miyiga ah ee degmada Boocame.

?
Wuxuu sheegay in xubnahani ka yimaadaan dhanka Koonfureed ee Soomaaliya iyagoo soo gashada dharka lagu yaqaano Jameecada Tabliiqa.
?
Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray inay kasoo talaabaan wadooyinka ay la baxaan dadka xoola raacatada ah ee looyaqaan wado lugeedda, iyagoo kadibna u gudba dhinaca Buuraha Galgala oo ay isku aruursadeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ee lagu jebiyey Koonfurta Soomaaliya.?
?
Sidoo kale Md Xayle wuxuu sheegay in ciidamo Puntland ah la dhigay wadooyinka lagu tuhmey inay maraan xubnahaasi ka tirsan kooxda Al-shabaab ee isu ekaysiiyey Culimada Tabliiqiinta.
?
Mar laweydiiyey waxa ay ku cadaynayaa in xubnahani aysan ahayn Tabliiq ee ay ku dhuumanayaan ayuu sheegay inaysan isu ekayn Tabliiqiinta iyo dad ku dhuumanaya,” nimankan waa la garanayaa inaysan tabliiq ahayn waa niman gubtey oo aad dareemi karto inay soo jabeen, Tabliiqa runta ah maaha niman guban ee waa niman nool,” ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Boocame.
?
Hadalka kasoo yeeray maamulka degmada Boocame ee gobolka Sool ayaa kusoo beegmay iyadoo mudooyinkii danbe firxadka Al-shabaab ee laga soo eryey Koonfurta Soomaaliya ay isku aruursanayeen Buuraha Galgala ee gobolka Bari.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)
?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com