HomeUncategorized

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Cayn ee Puntland oo is casilay

Buhodle,Jan 11 -Gudoomiye kuxigeenkii gobolka Cayn ee mamulka Puntland Maxamuud Sh Cumar ayaa sheegay inuu iska casiley xilkii uu ka hayey dawlada Puntland xili uu ka hadlayay banaa bax dadka magaalada Buuhoodle ay ku taageerayeen shirka Khaatumo II.

Hay’adda diyakooniya oo in ka badan 40 qof u qabatay tababar kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha dhallinta.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Maxamed Laki Man.
Kulan ay ka qayb galeen ganacsatado iyo maamulka gobolka Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

Buhodle,Jan 11 -Gudoomiye kuxigeenkii gobolka Cayn ee mamulka Puntland Maxamuud Sh Cumar ayaa sheegay inuu iska casiley xilkii uu ka hayey dawlada Puntland xili uu ka hadlayay banaa bax dadka magaalada Buuhoodle ay ku taageerayeen shirka Khaatumo II.

Maxamuud Sh Cumar ayaa iscasilaadiisa ku sababeeyay inay ka dambaysay go’aamada kasoo baxay shirka Khaatumo II ee ka soconaya degmada Taleex ee gobolka Sool.

Waxaa uu ugu yeearay dhamaan saraakiisha ciidamada dawladda Puntland iyo ciidanka qalabka sida ee ka amar qaata maamulkiisa inay maanta laga bilaabo taageeraan shirka Khaatumo II

Maxamuud Sh Cumar waxaa uu u rajeeyay shirka ka socda degmada Taleex inuu noqdo mid miro dhalakaas oo soo celiya taariikhdii suubanayd ee gobolada Sool,Sanaag iyo Ceyn.

Waxaa ay arintaani ka dambaysay kadib go’aamo hordhaca oo laga gaaray shirka Khaatumo II ee ka socda degmada Taleex kuwaas oo ay kamid ahayd in gobolada Sool,Sanaag iyo Ceyn ay yeeshaan maamul ka madaxbanaan Puntland iyo Somaliland.

Bashiir Ahmed Abdi
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: