.jpg)
Muqdisho, Jun 23, 2013- kulankan oo ay kasoo qayb galeen ganacsato somaliyeed, maamulka gobalka Banaadir iyo shirkado ganacsi ayaa lagu qabtay xarunta Jasiira ee magaalada Muqdisho.
Kulanaasi ayaa qabashadiisa lagu sheegay in loona gol-leeyahay shaacinta qaab cusub oo isbadal loogu samaynayo ganacsiga dalka, ayna ka soo qayb galeen ganacsato gudaha iyo dibaddaa.
Kulankaasi ayaa yimid ka dib markii qiima sare ay gaareen kirada meheradaha ganacsi ee dalka gaar ahaan kuwa ku yaal magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Maxamuud Cismaan maxamuud oo ka mid ah ganacsatada maanta kasoo qayb gashay shirkani ayaa daljir u sheegay in qorshayaashan cusub ee ay wadaan ganacsatada Soomaaliyeed ay ka faa’iidaysan doobaab ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa gudaha.
Maxamuud, ayaa sheegay in habkan uu dabo socd maalgalin lagu samayn doono dalka aysanna ku koobnaan doonin Muqdisho oo kaliya balse lagu fidin doono dhamaan gobolada dalka.
Diiwaanka Wararka daljir
Muqdisho
(S)
?
FAALLOOYIN & FALCELIN