Gudoomiye Aadan Madoobe oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa dalka Turkiga

Gudoomiye Aadan Madoobe oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa dalka Turkiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga, Mudane Mustafa Şentop.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhigiisa dalka Turkiga kala hadlay xiriirka saaxibtinimo ee Ka dhaxeeya labada baarlamaan, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in la wada xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa adkeeyay in la sii laba jibaaro wadashaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Tan iyo markii uu Gudoomiye Aadan Madoobe la shaqo bilaabay Mahad Hajji oo ah u qaabilsanaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee xiriirka Caalamiga ayaa waxaa soo hagaagsamaya xiriirada caalamiga ee Baarlamaanada Aaduunka iyo kan Soomaaliya.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa kulamo iyo shirar waji ka waji ah la yeeshay Gudoomiyeyasha Baarlamaanakada dhowr dal oo dhaca qaarada yurub sidoo kale waxa uu la kulmay Madaxweynaha maxkamadda Adduunka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com