Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland iyo Hay’adda PDRC oo Qardho ku qabtey Barnaamijka baraaruga Bar-baarta

HomeWararka

Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland iyo Hay’adda PDRC oo Qardho ku qabtey Barnaamijka baraaruga Bar-baarta

Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland Aweys Axmed Sardheeye oo kaashanaya Hay'adda Hormarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa magaalada Qardho k

Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Badhan (dhegayso)
Somaliland oo ku dhawaaqday joojinta in salaadaha lagu tukado masaajidda
Guddoomiyaha Degmadda Bander bayla oo Daljir uga waramay hormarada degmada (dhegayso)

Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland Aweys Axmed Sardheeye oo kaashanaya Hay’adda Hormarinta iyo Cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa magaalada Qardho ku qabtey Barnaamij lagu dhiiragalinayo dhalinyarada Baraaruga Hormarineed ka wada Magaladaasi.

Barnaamijkan oo mid aad u balaaran ayaa waxaa ka so qayb galay Maamulka Degmada Qardho,kan Gobalka,Taliska Booliska,Dhalinyaro,Haween,waxgarad iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada,waxaana qaybtiisa hore ay dhalinyaradu ku so bandhigeen Waxqakooda oo qoraal iyo muuqal isku jira.

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobalka Karkaar Mudane Baarma Cali carab oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa tilmaamay in ku faraxsan-yihiin in maanta la dareemayay Awoodooda waxqabad,taaso uu ku hogaaminayo gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland.

C/naasir Buraale oo ka mid ah madaxda PDRC ayaa sheegay in barnaamijka hormarinta ee ka socda Puntland ay ka samayn-doonan Muuqaal mustaqbalka anfaca dhalinyarada,isagoona tilmaamay inay tagi-doonan guud ahaan Goballada Puntland.

Sidoo kale,Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland Aweys Axmed Sardheeye ayaa isna dhinciisa tilmaamay in Hormaka Puntland ka socda ay tahay Hanti ay si gaar ah u leeyihiin Dhalinyarada Maanta iyo Ubadkooda.

Ugu danbayntii,Gudooomiyaha Cusub ee Gobalka Mudane C/laahi maxamed bare Caato oo kulanka so gabo-gabeeyay ayaa xusay in uu garab taagan inta uu xilka hayo dhalinyarada isku wax u qabsada ka wada Gobalka Kar-kaar iyo Guud ahaan Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: