Gudoomiyaha Barlamaanka Somaaliya Jawaari oo Heshiis la Saxiixday dhigiisa Sudaan

HomeWararka

Gudoomiyaha Barlamaanka Somaaliya Jawaari oo Heshiis la Saxiixday dhigiisa Sudaan

Guddoomiyaha Golaha shacabka Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa heshiis wada s

Garoowe: Xubinta Sicirka & Suuqa
Guuxa Maanka Dadweynaha, Makrafoonka Daljir & M Fantastik (dhegayso)
Puntland & halhayska dowladeed ee “shacabku ha is difaaco” muxuu Wasiir Gallan ka yiri? (dhegayso)

Guddoomiyaha Golaha shacabka Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Suudaan ayaa heshiis wada shaqeyn Labada Baarlamaan ku kala saxiixday Caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum.

Heshiiska ay wada saxiixdeen Guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Suudaan ayaa ku saleysan wada shaqeynta labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Suudaan gaar ahaan labada Baarlamaan.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha Golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaan sheegay in heshiiska uu ka kooban yahay Sagaal qodob oo xoojinaya wada shaqeynta iyo iskaashiga labada Baarlamaan.

Qodobada labada Gudoomiye ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in labada dhinac ay is dhaafsdaan qubaro dhinaca sharciga, in ay xiriir iyo iskaashi gaar ah yeeshaan xubnaha labada Baarlamaan u matalaya baarlamaanada aduunka iyo sidoo kale in dhinaca aqoonta la iska kaashado.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: